Cudurka Gaaska?! calamadaha iyo sababaha keena?.














Cudurka gaaska ama gaasteriga waa mid ka mida xanuunada ku dhaca caloosha xuubka u horeeya kaas oo dhaawacma ama xoqma. 
Maxa sababa cudurka gaaska 
Waxa sababa barar iyo dhawac ku imaada darbiga caloosha xuubabka dahaara taas oo keenayaan dheecaamada dheefshiidka (digestive enzymes).
Waxyabaha ka qeybqata cudurka gaaska
1. Bacteria-da h.pylori 
2. Isticmaalka joogtada ah ee xanuun baabi’iyaasha sida (ibuprofen) ama Asprinka
3. Isticmaalka badan ee alcohol ka 
4. Stress ka badan 
5. Dadka da’da ah 
6. Dawooyinka kansarka 
7. Cunooyinka suuda leh iyo kuwa bisbaaska leh 

Calaamadaha cudurka gaaska











1.Nabar ka qabanaaya qeybta sare ee caloosha kas oo laga yaabo in uu kasii daro ama ka roonaado cunada ka dib 

2. Lalabo iyo matag 

3. Inaad dhareg dareento 

Caqabadaha ka dhalan kara hadan leyska daaweyn
1. Calool dhiig 
2. Nabar calooleed (gastric ulcer)
3. Marmarka qaarna kansar calooleed 

Goorma dhakhtar booqan kartaa
Waa marka isku aragto calamadahan 
1. Inad isku aragto calamadaha gaaska ee kor ku xusan asbuuc ama ka badan 
2. Xanuun daran ama matag badan oo aad cuno cuni karin 
3. Matag dhiig ama shuban dhiig ama saxaro madow

Comments

Popular posts from this blog

4 easy steps to becoming a successful freelance writer